Han Aqoonsi iyo Himilo Qaran

Tiirka 1aad: Horumarinta Arrimaha Dibedda

Himilada koowaad ee siyaasadda arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland waa helista aqoonsi caalami ah oo uu udub-dhexaad u yahay nabad kula noolaanshaha shucuubta caalamka, adkaynta deris wanaagga wadamada jaarka, iskaashi la yeelashada wadamada adduunka iyo ka mid noqoshada golayaasha caalamiga ah sida; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Ururka Barwaaqo Sooranka (Commonwealth). Xisbiga Kulmiye muddo xileedkiisii labaad waxa uu sameeyay dedaallo iyo xidhiidho isdaba joog ah oo uu ku xaqiijinayo gaadhista himilooyinkiisa oo ay ugu horayso qadiyadda madaxbanaanida dalku.

Xisbiga Kulmiye muddo xileedkiisa saddexaad 2024-2029

Xisbiga Kulmiye muddo xileedkiisa saddexaad 2024-2029, waxa uu sii wadi doonaa dedaallada aqoonsi-raadinta iyo helidda saaxiibo cusub isaga oo qaadi doona tallaabooyinka soo socda:

  • Waxa uu sii xoojin doonaa dedaallada lagu xaqiijinayo helitaanka aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho caalamka.
  • Waxa uu sii xoojin doonaa dedaallada ay Somaliland xubinimo buuxda ku helayso si ay uga mid noqoto ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Ururka Barwaaqo Sooranka (Common wealth). Sidoo kalena kuwa heer gobol sida Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA).
  • Waxa uu sii wadi doonaa abuurista xidhiidho diblumaasiyadeed oo cusub oo aasaas u noqon kara iskaashi dhinacyada diblumaasiyadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
  • Waxa uu adeegsan doonaa diblomaasiyadda dadweynaha (public diplomacy) si loo gaadhsiiyo bulshooyinka caalamka taariikhda Somaliland, geedi socodka dimuqraadiyadda, iyo guulaha horumar ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Waxa uu qaban doonaa doodo sharci iyo taariikheed oo lagu qabto fagaarayaal heer caalami ah si loo sugo xaqnimada iyo sharcinimada la soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo la adeegsanayo khubaro aqoon sare u leh sharciga caalamka, aqoonta dhaqaalaha iyo siyaasadda.
  • Waxa uu dejin doonaa qorshayaal lagu hawl galiyo hay’adaha qaabeeya fikirka bulshada (Think Tank) si loo dardargaliyo dedaalada aqoonsi raadinta.

  • Waxa uu adeegsan doonaa warbaahinta caalamiga ah si adduunka loo gaadhsiiyo wararka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

  • Waxa uu kor u qaadi doonaa ololayaasha diblumaasiyadda casriga ah (Digital Diplomacy) iyada oo mareegta iyo baraha bulshada la adeegsanayo.

  • Waxa uu xoojin doonaa xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland la leedahay dalalka caalamka dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, nabadgalyada iyo la dagaallanka argagixisada, tahriibta iyo budhcad badeedda.

  • Waxa uu dhisi doonaa machad lagu bartodiblomaasiyadda oo heer caalami ah soona saara, diblumaasiyiin iyo shaqaale xirfad u leh arrimaha dibedda.

  • Waxa uu kor u qaadi doonaa awoodda hawlqabad ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda si loo dardar galiyo hawlaha ay wasaaraddu u xil saaran tahay ee ay ugu horayso aqoonsi raadintu.

  • Waxa uu kordhin doonaa tirada iyo tayada xafiisyada diblomaasiyadeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalalka caalamka.

Muddo xileedka labaad ee Xisbiga Kulmiye waxa u hirgalay 2017 - 2024
  • Waxa la saxeexay heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah ee Ethiopia, heshiiskaasi oo dhigaya in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Ethiopia, halka ay Somaliland ka kiraynayso Ethiopia saldhig ay ciidamada baddeedu adeegsadaan.
  • Waxa xoogaystay wadashaqaynta Somaliland iyo Maraykanka ka dib safarkii taariikhiga ahaa ee madaxwaynaha JSL ku tegay dalka Maraykanka 2022, kaas oo keenay in taariikhda markii u horaysay xeer xusaya iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka uu soo baxay.
  • Waxa uu madaxwaynaha JSL ku tagay booqashooyin wadamada: Ethiopia, Iskutagga Imaaraatka Carabta, Kenya, Gini Kanaakori iyo Djibouti. Booqashooyinkaa oo adkeeyay xidhiidhada diblamaasiyadeed iyo iskaashi ee Somaliland ay la leedahay wadamadaas, korna u qaaday qaddiyada madaxbanaanida JSL.
  • Waxa suurto gashay in wufuud kala duwan oo ka socota Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hormuud u yahay Wasiirka Arimaha Dibaddu ay booqoashooyin kala duwan ku tageen in ka badan 40 dal oo dunida ka mid ah si ay u xoojiyaan dedaallada aqoonsi raadinta. Sidoo kale, waxa soo booqday dalka 45 wafti oo ka koobnaa 140 mudane baarlamaan, 19 wasiir oo ay ka mid yihiin wasiiro arrimo dibadeed iyo 76 danjire oo ka kala socday dalal kala duwan oo caalamka ka mid ah.
  • Waxa xidhiidh diblumaasiyadeed oo cusub lala yeeshay dalka Taiwan, waxana sidoo kale xoogaystay xidhiidhadii iskaashi ee Somaliland la lahayd waddamada Ethiopia, Isku-tagga Imaaraatka, Kenya, iyo Djibouti.
  • Waxa dalka ka shaqo galay sadex xafiis-diblumaasiyadeed oo cusub oo ay leeyihiin wadamada Imaaraatka, Taiwan iyo Kenya.
  • Waxa kor loo qaaday tayada iyo awoodda xafiisyada Somaliland ku leedahay wadamada caalamka.