Han Aqoonsi iyo Himilo Qaran!
Waxaa xilka loo doortay doorashadii Somaliland ee 13-kii November 2017, Madaxweyne Muse wuxuu ku dhashay sanadkii 1948 magaalada Hargeysa oo ku taalayd Maxmiyadii hore ee Ingiriiska ee Somaliland. Wuxuu waxbarashadiisa dugsiga sare ee Amoud ka qaatay magaalada Boorama sanadihii todobaatameeyadii.
Madaxweyne Muse Bihi Abdi
Madaxweynaha 5aad ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sanadkii 1973, wuxuu ka qalin jabiyay jaamacadda duulista hawada ee Dushanbe, Jamhuuriyadda Kyrgyzstan ee Midowgii Soofiyeeti, isagoo ku qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga ciidanka cirka. Wuxuu sidoo kale tababar ku qaatay Saldhigga Cirka ee Patterson ee gobolka Ohio, Mareykanka. Mudane Madaxweynaha waxa uu haystaa laba shahaado oo sare oo heerka labaad ah oo ku saabsan tababarka ciidan ee sare iyo cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafaadka.
Intii u dhaxaysay sanadihii 1973 ilaa 1985, waxa uu qabtay xilal sare oo muhiim ah oo uu ka hayay dawladdii hore ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Xilalkaas waxaa ka mid ahaa madaxa waaxda tababarka ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo la-taliyaha milatariga ee safaaradda Soomaaliya ee Washington, USA
Sidoo kale waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligii uu xilka hayay Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu door weyn ka qaatay dhismaha Qaranka Somaliland.
Wuxuu ka qaybqaatay shirarkii nabadaynta ee Berbera, Burco, Sheekh iyo Boorama. Ka hor intaasna, Madaxweynaha wuxuu ka mid ahaa xubnihii hormuudka ahaa ee Ururka SNM (Jabhadii Wadaniga Soomaaliyeed) isagoo leh taariikh dahabi ah oo la taaban karo, oo ku dhex jirta SNM iyo bulshada Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa siyaasi khibrad leh, hoggaamiye aragti dheer leh, iyo halyey dhab ah oo Somaliland ah.
Waxa uu leeyahay rikoodh siyaasadeed oo sharfan oo ku dhex jira saaxada siyaasadda Soomaaliyeed iyo taariikh qurux badan oo wadaniyad iyo geesinimo leh.