Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta iyo Weeca + Sawiro

 

Jabuuti-04-09-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.

 

Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.